Owen Hargreaves oo maamulka Man United u jeediyay talo muhiim ah ee ku aadan Odion Ighalo

(Manchester) 24 Maajo 2020. Xiddigii hore Manchester United ee Owen Hargreaves ayaa kula taliyay maamulka Red Devils inaysan iska luminin Odion Ighalo oo qaab amaah ah ku joogo kooxda, wuxuuna carabka ku adkeeyay in heshiiskiisa laga dhigo mid joogta ah.

Wargeyska “Standard” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay laacibkii hore Manchester United ee Owen Hargreaves, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Odion Ighalo waa dhiirogalin weyn ee kooxda Manchester United ah, wuxuu qabtay shaqooyin aad u fiican, ee ah waxa uu isaga rajeenayay, iyo wax ka fiican waxa ay Man United ka fileysay isaga”.

“Waa ciyaaryahan wanaagsan, waxaanan hubaa in maamulku ay isku dayi doono inay sii heystaan mudo dheer, waan la yaabi doonaa haddii ay dhacdo inuu baxo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Owen Hargreaves.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close