“Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan taariikhda” – Sami Khedira oo si weyn u ammaanay Cristiano

(Turin) 22 Maajo 2020. Xiddiga qadka dhexe xulka qaranka Germany iyo kooxda Juventus ee Sami Khedira ayaa si weyn u ammaanay saaxiibkiis reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Xiddigaha Sami Khedira iyo Cristiano Ronaldo ayaa siixiibo ku soo noqday muddo shan sano ah kooxda Real Madrid, kahor inta aysan markale ku saaxiibin naadiga Juventus.

Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Sami Khedira, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan hami weyn leh, wuxuu mar walba doonayaa inuu guuleysto, xitaa tababarka, wuxuu tusaale u yahay qof walba”.

“Ronaldo waa ciyaaryahan aan caadi aheyn, waana shaqsi cajiib ah, kaasoo aan la soo ciyaaray 7 sano ah, shan sano oo Madrid ah iyo labo sano oo Turin ah”.

“Aragtidayda, Cristiano Ronaldo waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda kubadda cagta”. Ayuu yiri Sami Khedira.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close