Wakiilka Neymar oo shaki geliyey dib ugu laabashada Barcelona, xilli uu shaaca ka qaaday Wadahadallo ay dhowaan la yeesheen Real Madrid

(Paris) 21 Maajo 2020. Wakiilka ciyaaryahanka Kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa shaki geliyey dib ugu laabashada laacibkan ee naadiga Barcelona, waxaana uu sidoo kale shaaca ka qaaday wahadallo ay la yeesheen Real Madrid.

Wagner Ribeiro oo ah Wakiilka Neymar ayaan filaynin in la ogolaado heshiiska uu ku tagayo weeraryahanka Paris Saint-Germain oo dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Isagoo la hadlayey Fox Sports waxa uu yiri: “Waxaan u malaynayaa in Neymar uu sii joogi doono PSG, sababtoo ah suuqa ayaa ah mid duwan.

“Dhaqaalaha Adduunka ee kubadda cagtana waa isbedeleyaa.”

Barcelona ayaa la rajeynayaa inay soo ceshato xiisihii ay u qabtay Neymar, laakiin waxa ay tartan kala kulmi karaan kooxaha ay xafiiltamaan mar haddiiba ay fursad u helaan inay heshiis gaaraan.

Blaugrana ayaa ku garaacday Kooxda ay El Clasico wada ciyaaraan ee Real Madrid saxiixa 28-sano jirkaan markii uu ka soo tagay Santos sanadkii 2013-kii, iyadoo Los Blancos ay ku sii heysay radarkeeda tan iyo markaas.

Madaxweyne Florentino Perez waligiis kama wareegin xaqiiqda ah inuu jeclaan lahaa in Neymar Jr uu keeno garoonka Santiago Bernabeu.

Wuxuu sameeyay wax walba oo uu karo si uu taasi dhab uga dhigo, iyadoo Ribeiro uu shaaca ka qaaday in wadahadalladii suuqa kala iibsiga markale la qabtay sanadkii 2019.

“Waxaan dhowr jeer u imid Madrid, maxaa yeelay ujeeddada Florentino Perez waxay ahayd inuu qorto Neymar,” ayuu Wakiilka ciyaaryahankan raaciyay hadalkiisa.

“Sannadkii la soo dhaafay bishii May, waxaan isaga la joogay xafiiskiisa, wuxuu ii sheegay inuu ku riyoonayo saxiixa Neymar.”

Qandaraaska uu xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr haatan kula jiro kooxda PSG ayaa ku eg sanadka 2022-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close