Liverpool oo dooneysa inay iska iibiso saddex ciyaartoy si ay u hesho Timo Werner

(Liverpool) 21 Maajo 2020. Shabakada “The Athletic” ayaa shaacisay in kooxda Liverpool ay iska fasaxi doonto saddex ka mid ah xiddigaheeda, si ay ula soo saxiixato weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga soo socda.

Magaca Timo Werner oo 24 jir ah ayaa lala xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Liverpool laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, maadaama da’ayarkan reer Germany loo arko inuu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee Reds suuqa xagaaga.

Haddaba Shabakada “The Athletic” ayaa wuxuu cadeeyay in Liverpool si ay u gaarto ujeedkeeda ah inay lasoo saxiixato Timo Werner, ay iska iibin doonto saddex ka mid ah xiddigaheeda suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo aadan, kuwaasoo kala ah Xherdan Shaqiri, Marko Grujić iyo Harry Wilson.

Shabakada ayaa waxay intaas ku sii dartay in ujeedka iibinta saddexdan xiddig ay tahay, si looga helo xoogaa dhaqaale ah, oo lagu kabo heshiiska ay Reds ku dooneyso Timo Werner.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Timo Werner ku joogo haatan kooxda RB Leipzig uu dhacayo xagaaga 2023, wuxuuna xilli ciyaareedkan ka qeyb galay 37 kulan, isagoo dhaliyay 27 gool, halka sidoo kale uu caawiyay 12 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close