“Ronaldo wuxuu sababay inta badan dhibaatooyinkeyga Real Madrid” – Fabio Capello

(Yurub) 20 Maajo 2020. Tababarihii hore kooxda Real Madrid ee Fabio Capello ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeyey halyeyga reer Brazil ee Ronaldo intii uu hogaaminayay Los Blancos.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay macalinka reer Talyaani ee Fabio Capello, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ronaldo wuxuu ahaa xiddigii ugu hibada fiicnaa ee aan soo tababbaray, waxaan isku fahmi jirnay midkeen kan kale si weyn”.

“Isla mar ahaantaana, Ronaldo wuxuu ahaa shaqsiga sabab u noqda dhibaatooyin badan ee ka dhacay qolka dher badelashada”.

“Waxa uu lahaa xaflado iyo waxyaabo la mid ah, mar ayaa wuxuu ii sheegay Ruud van Nistelrooy inuu jiro ur qamro ah ee ka imaanaya qolka dher badelashada”.

“Markii uu Ronaldo ku biiray kooxda AC Milan waxaan biloownay inaan badino, laakiin haddii aan ka hadalno dhanka hibada, shaki la’aan wuxuu ahaa kii ugu fiicnaa”.

Si kastaba ha noqotee, Fabio Capello ayaa wuxuu carabka ku adkeyay inuu wali la kulmo de Lima Ronaldo sanadkasta, isla markaana ay ku wada sheekeystaan si farxad leh.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close