Booliska dalka Masar oo gacanta ku dhigay Rag doonayey inay Dukaan ku dhacaan Maaskaro u eg wajiga Mohamed Salah

(Cairo) 20 Maajo 2020. Kooxo burcad ah ayaa booliiska magaalada Qaahira ku qabteen iyagoo adeegsanaya maaskaro u eg wajiga Mohamed Salah si ay uga dhigaan aqoonsigooda.

Kooxo hubaysan oo afar nin ah ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay dhacaan dukaan ku yaal Wadada Hassanein Heikal, xaafadda Nasr City ee Caasimadda dalka Masar.

Dhammaan afarta tuug ayaa wejigooda daboolay, iyagoo adeegsanaya maaskaro ka sameysan waji Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, kaasoo xiddig weyn ka ah dalkiisa.

Burcadda ayaa isku dayday inay baxsadaan kaddib markii ay goobta soo gaareen ciidamada ammaanka, laakiin ugu dambeyntii gacanta ayaa lagu dhigay dhammaantood.

Salah waa xiddiga ugu weyn ee isboortiga dalka Masar, waana furaha xulkiisa qaranka, isagoo u dhaliyey 41 gool 67 kulan uu u saftay dalkiisa.

Shacbiyaddiisa ayaa korortay tan iyo markii uu u dhaqaaqay kooxda Liverpool sanadkii 2017-kii, waxaana uu ku jiraa warkii ugu dambeeyay ee Wargeysyada ciyaaruhu ay qoreen, kaddib hadalladii ka soo yeeray tababarihii hore ee xulkiisa Hany Ramzy, kaasoo dhowaan sheegay in weeraryahanku uu sanadkii 2018 iska diiday u dhaqaaqista Real Madrid, markii ay ka soo gudbiyeen dalab aad u fiican.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close