Mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee Yurub oo qarka u saaran in Liverpool ay ku garaacdo soo xero galinta Timo Werner

(Yurub) 19 Maajo 2020. Shabakada “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga ayaa waxay xaqiijisay in kooxda Inter Milan ay ku dhowdahay inay la soo saxiixato Timo Werner, marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Magaca Timo Werner oo 24 jir ah ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo Liverpool, maadaama Reds ay muddo dheer isha ku heysay adeega ciyaaryahankan.

Si kastaba ha noqotee, waxay u muuqataa in Liverpool ay ku guuldareysan doonto lasoo saxiixashada Timo Werner, kaddib markii ay Inter Milan si xoogan ugu soo biirtay loolanka ay ku dooneyso inay ku soo xero galiso laacibka reer Germany.

Shabakada “CalcioMercato” ayaa sidoo kale waxay shaaca ka qaaday in Timo Werner uu doonayo inuu ku biiro kooxda Inter Milan, maadaama uu xiiseynayo inuu tijaabiyo waayo arag-nimo cusub, isla markaana uu ka ciyaaro horyaalka Talyaaniga.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas ku sii darayaan in Timo Werner uu badelay go’aankiisa, isla markaana uu hadda doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka Talyaaniga, sidaas darteed Inter ayaa ka faa’iideysan doonto arrintan si ay ula soo saxiixato sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaa xusid mudan in Timo Werner uu ka qeyb qaatay kooxdiisa RB Leipzig ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan 37 kulan, waxa uu dhaliyay 27 gool, halka uu sidoo kale sameeyay 12 caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close