Cristiano Ronaldo oo markii ugu horreysay maanta ku soo laaban doona tababarka Juventus tan iyo karaantiilka

(Yurub) 19 Maajo 2020. Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horreysay maanta dib ugu soo laabanaya tababarka kooxdiisa Juventus tan iyo markii la galay karaantiilka uu sababay Coronavirus.

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo  ayaa dib ugu soo laabtay Continassa kaddib 72 maalmood oo uu ka maqnaa J Village, waxaana uu mari doonaa tijaabooyin caafimaad  ka hor inta uusan tababarka bilaabin.

Kaddib markii Juventus ay 2-0 ku garaacday Inter Milan 8 bishii Maarso, Weeraryahanka reer Portugal ayaa u safray Madeira, kaddib markii uu ogaaday in shaqada laga joojiyay horyaalka Serie A, halka saaxiibkiis Daniele Rugani uu ku dhacay xanuunka loo yaqaan ‘coronavirus’.

Ronaldo ayaa sii joogay Portugal muddo labo bilood ah oo uu la joogay qoyskiisa, waxaana la go’doomiyey labadii toddobaad ee la soo dhaafay, tan iyo markii uu ku soo laabtay Magaalada Turin ee ay ka dhisan tahay kooxdiisa Juve.

Maanta, xiddigu wuxuu mari doonaa tijaabooyinka caafimaad ee loo baahan yahay, waxaana uu ku mari doonaa J Medical, isagoo ku soo laaban doona tababarka koowaad ee Continassa tan iyo markii la joojiyey.

Warsidaha la yiraahdo Calciomercato.com ayaa xaqiijiyay imaatinkiisa CR7 ee saaka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close