Ole’olaha Barcelona ay kusoo qaadaneyso Lautaro Martinez oo marxalad muhiim ah maraya

(Milan) 16 Maajo 2020. Heshiiska dhinacyada badan taabanaya ee ay Barcelona ku soo qaadaneyso Lautaro Martinez ayaa marxald xasaasi ah maraya, iyadoo labada koox ee Inter Milan iyo Barca wada doonayaan inay heshiiskan siyaabo kala duwan kaga faa’ideystaan.

Inter ayaa ku adkeysanaysay in Barcelona ay bixiso lacagaha heshiiska Martinez lagu jabin karo, iyadoo kooxda reer Spain ay diyaar u ahayd qiimahaas inay bixiso.

Balse Barca ayaa hadda dooneysa inay bixiso 60 milyan oo euro oo kaash ah, sidoo kalena mid ka mid ah ciyaartoydeeda ay heshiiska ku darto.

Waxaa jiro xiddigo badan oo ay kooxda Camp Nou ka dhisan dooneyso in heshiiska laga qayb galiyo, si la mid ah Inter ayaa iyaduna kala dooraneysa dhowr ciyaaryahan oo ay badankood xiiseyneyso.

Ciyaartoyda ay dooneyso Inter in heshiiska lagu daro waxaa ka mid ah Nelson Semedo, Arturo Vidal, Jean-Clair Todibo, Junior Firpo, Samuel Umtiti iyo Carles Alena.

Agaasimayaasha ciyaaraha ee Beppe Moratta iyo Piero Ausilio ayaa ka doodaya inay macallinka Nerazzuri ee Antonio Conte u helaan xiddig ku habboon falsafaddiisa.

Baahida ugu badan ee Inter Milan waa difaaca midig, waxaana ay door bidayaan Nelson Semedo kaasoo wada hadalkii heshiis kordhinta ee uu kula jiray Barcelona uu burburay.

Kooxda Talyaaniga ka dhisan ayaa dhiggeeda ogeysiin doonta maalmaha soo socda ciyaaryahanka ay doonayaan in heshiiska lagu daro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close