Gonzalo Higuain oo ugu dambeyn ku soo laabtay Turin, iyo sabab muhiim ah oo uu ku soo daahay

(Turin) 16 Maaajo 2020. Weeraryahanka kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa ugu dambeyn ku soo laabtay kooxdiisa, kaddib labo bilood oo uu ku sugnaa dalkiisa Argentina.

Laacibkan ayaa soo gaaray dalka Talyaaniga galabtii Jimcaha, waxaana uu mari doonaa baaritaan la xiriira coronavirus ka hor inta uusan galin labo toddobaad oo karaantiil ah.

Muddada uu ku sugnaa dalkiisa waxaa soo if baxay sheekooyin xan ah oo la xiriira mustaqbalkiisa, balse ujeeddada ugu weyn ayaa ahayd inuu baxnaaninayay hooyadii oo la xanuunsaneed cudurka Kansarka (Cancer).

Inkastoo tani ay jirto, haddana kooxda River Plate ayaa xiiso u muujisay 32-jirkan, taasoo suuro gal ka dhigi kartay inuu Higuain ku laabto halkii uu xirfaddiisa ka soo billaabay.

Ku soo laabashada laacibka reer Argentina ee magaalada Turin ayaa ka dhigan in dhammaan safka kooxda Juventus ay u diyaar garow u galayaan dib u hana-qaadidda horyaalka Serie A.

Higuain ayaa ku jira mid ka mid xilli ciyaareedyadii ugu adkaa xirfaddiisa marka loo eego gool dhalinta, waxaana uu Serie A ka dhaliyay kaliya shan gool kaddib 23 kulan oo uu saftay, iyadoo Juventus ay hal dhibic hoggaanka horyaalka kaga heyso kooxda Lazio.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close