Rodrigo Bentancur oo cadeeyay xiddiga ka tirsan Barcelona ee saameynta ku yeeshay xirfadiisa kubadda cagta

(Turino) 15 Maajo 2020. Laacibka qadka dhexe kooxda kubadda cagta Juventus ee Rodrigo Bentancur ayaa sheegay inuu si weyn ula dhacsanaa qaab ciyaareedka xiddiga qadka dhexe naadiga Barcelona ee Sergio Busquets markii uu yaraa.

Sidoo kale Rodrigo Bentancur ayaa tilmaamay in halyeyada England ee Steven Gerrard iyo Frank Lampard uu aad u taageeri jiray isla markaana uu daawan jiray kulamada ay ciyaarayaan.

Shabakada “Football Italia” ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Rodrigo Bentancur, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan taageere u ahaa Steven Gerrard iyo Frank Lampard markii aan yaraa, sidoo kale waxaan jeclaa Sergio Busquets”.

“Waxaan daawaday ciyaaro badan oo iyaga ah, taasna waxay iga caawisay inaan wax badan barto” ayuu yiri xiddiga kooxda Juventus ee Rodrigo Bentancur.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close