Puyol iyo Pique oo isugu tagay Casillas, iyo wixii ku dhex maray sawir uu goolhayihii hore ee Real Madrid soo dhigay Isntagram-ka

(Spain) 14 Maaajo 2020. Goolhayihii hore ee Real Madrid, Iker Casillas ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir, isagoo soo raaciyay qoraal u dhignaa “habeen wanaagsan”.

Sawirka wuxuu ahaa mid la qaaday ciyaar uu ku soo ciyaaray garoonka Camp Nou, sidoo kalena kubadda uu soo billaabi rabay, xilligaas oo uu ka tirsanaa Los Blancos.

Balse Casillas ayaa la kulmay araahyo (comments) kaftan ah oo ay ku tureen Carles Puyol oo ahaa kabtankii hore ee Barcelona, iyo difaaca kooxdaas ee Gerard Pique.

“Kaligaa miyaa ciyaarayay?” ayuu soo qoray Puyol, oo ku maadeysanayay sawirka uu ka muuqday kabtankii hore ee qaranka Spain.

Si la mid ah waxaa qaybta aaraahyada is keennay Pique oo soo qoray: “Immisa jeer ayaad kubadda ka soo dhex qaadday shabaqa garoonka”, isagoo raaciyay: “Maxaad si cajiib ah u sacabbo tuntay.”

Aaraahyada ay Puyol iyo Pique ku soo qoreen sawirkii uu soo dhigay Casillas ayaa ahaa kuwo kaftan ah iyagoo ku kuleleysanayay waayihiisii Real Madrid iyo natiijooyinkii booqashooyinka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close