Steve Nicol oo faalo ka bixiyay doorashadii Vincent Kompany uu ugu magacaabay Van Dijk daafaca ugu fiican taariikhda Premier League

(England) 12 Maajo. Laacibkii hore kooxda kubadda cagta Liverpool ee Steve Nicol ayaa ka hadlay doorashadii Vincent Kompany uu ugu magacaabay Virgil van Dijk inuu yahay daafaca ugu fiican taariikhda horyaalka Premier League.

Vincent Kompany ayaa dhawaan sheegay in Virgil van Dijk uu yahay daafaca ugu fiican taariikhda horyaalka Premier League, wuxuuna yiri:

“Daafaca ugu fiican taariikhda horyaalka Premier League? Aniga ahaan waxaan dooran lahaa Virgil van Dijk”.

Haddaba Steve Nicol ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee “ESPN” wuxuu ku sheegay:

“Waxaan qabaa inay adag tahay in loo doorto Van Dijk daafaca ugu fiican taariikhda Premier Leagu, sababtoo ah wuxuu ciyaaraa xilligan la joogo, taasina waa waxa uu Kompany diiradda saaray”.

“Waxaan u maleynayaa in dhibaatada Liverpool ay cadahay, waxaa jiray farqi weyn ee dhanka daafaca dambe ah”.

“Laacibkii ugu fiicnaa Southampton ee horyaalka waxa uu ahaa ninka reer Holland, hadana isagu waa kan ugu fiican”.

“Vincent Kompany waa uu saxan yahay, Van Dijk waa daafaca ugu fiican aduunka xilligan la joogo ee ma ahan horyaalka Premier League oo kaliya”.

“Virgil van Dijk wuxuu soo bandhigay laba xilli ciyaareed ee aad u fiican, laakiin ma awoodo inaan sheego inuu yahay kan ugu fiican ee abid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close