Laacibka Kooxda Juventus ee Miralem Pjanic oo iska diiday inuu u dhaqaaqo Manchester United

(Turin) 12 Maajo 2020. Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Miralem Pjanic ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Manchester United.

Kooxda kubadda cagta  Man United ayaa lagu soo warramayaa inay seegtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus, Miralem Pjanic inta lagu gudajiray suuqa kala iibsiga.

Xilli la sheegayo in kooxda reer Talyaani ay isha ku heyso inay dib u hesho laacibkoodii hore ee Paul Pogba, dhowr ciyaartoy oo khadka dhexe ah ayaa la la xiriirinayay ka dhaqaaqista magaalada Turin.

Kaddib afar sano oo uu ku sugnaa kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus, Pjanic oo haatan 30 jirsaday ayaa la soo jeediyay inuu macquul yahay inuu ku biiro kooxda uu hoggaamiyo Ole Gunnar Solskjaer ee Man United.

Majalaada Sport ayaa sheegaysa in xiddiga heerka caalami ee dalka Bosnia-Herzegovina inuu rajeynayo inuu u dhaqaaqo Barcelona, iskana ilaawo kooxda Manchester United.

Inkastoo ay jirto shaki ku saabsan heshiiska qayb-isweydaarsiga ee ku saabsan Arthur, Pjanic ayaa la sheegay inuu durba la heshiiyay kooxda reer Catalan.

Miralem Pjanic 'turns down Man Utd move'

Inta badan waxay ku xiran tahay inay Juventus soo iibsan karto mid ka mid ah xubnaha kooxda Barcelona oo qeyb ka ah soo jeedinta.

Si kastaba ha noqotee, xiddigan ayaa kooxda Juventus waxa uu uga soo biiray naadiga Roman sanad ciyaareedkii 2016-kii, isago u saftay 114-kulan kaliya wuxuuna u dhaliyay 15-gool oo qura.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close