Halyey Man United ah oo sharaxay sababta uu ugu adkeystay in kooxda ay sii heysato Paul Pogba

(Manchester) 12 Maajo 2020. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jaap Stam ayaa sheegay in loo baahan yahay in Red Devils ay ceshato xiddigeeda reer France ee Paul Pogba.

Dhinaca kale Jaap Stam ayaa carabka ku adkeeyay in Paul Pogba uu heysto waxa ay tahay inuu ku hoggaamiyo qadka dhexe ee kooxda Manchester United.

Magaca Paul Pogba ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biirayo kooxda reer Spain ee Real Madrid ama kooxdiisii hore ee Juventus, marka la gaaro suuqa xagaaga ee soo socda.

Haddaba wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay halyeyga Jaap Stam, waxaana uu yiri:

Jaap Stam urges Man United to keep Paul Pogba and give him ...

“Waxaan doonayaa in Pogba uu sii joogo kooxda, waxaan u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahan tayo sare leh, dadka waxay isaga ka filayaan wax badan, waxaana jira dhaleeceeno badan ee loo jeediyay isaga.”

“Ma aqaano waxa dhici doona, laakiin dabcan, wuxuu u baahanyahay marka hore inuu soo kabsado, balse waan ku farxi doonaa haddii uu kooxda sii joogo xilli ciyaareed kale.”

“Pogba waa ciyaaryahan hal abuur leh, haddii aad eegto qadka dhexe oo ay ku wehliyaan Bruno Fernandes iyo Scott McTominay, wadajirka saddexdaan way fiicnaan doontaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close