Halka sabab oo ay Real Madrid uga baxday xagaagan soo xero-gelinta saxiixa xiddiga Man United ee Paul Pogba oo shaaca laga qaaday

(Madrid) 10 Maajo 2020. Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay marka raadineyso badalkiisa xiddiga Manchester United ee Paul Pogba, madaama laacibkan ku guuleystay Koobka Adduunka uu aad u badan yahay mushaharka uu ka qaato Man United, xilli Los Blancos ay dhib ku tahay inay bixiso lacagahaas faraha badan.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa muddo dheer lagu qiimeeyaa inay xiiseynayaan Pogba, kaasoo kaliya siddeed kulan u saftay Man United intii lagu jiray xilli ciyaareedkan 2019-20, xilli dhaawacyo ay hareeyeen xiddigan.

Si kastaba ha noqotee, saameynta dhaqaale ee faafaha Coronavirus waxay u horseedi kartaa kooxaha raadinaya xulashooyin ka raqiisan inta lagu jiro suuqa xagaaga, iyadoo Real Madrid ay u badan tahay inay dib u qiimeyso istiraatiijiyadooda kala iibsiga kaddib markii uu dillaacay caabuqan.

Sida laga soo xigtay Jariiradda AS, Madaxweynaha Los Blancos ee Florentino Perez wuxuu ka soo horjeedaa saxiixa Pogba, sababtoo ah mushaharkiisa sannadlaha ah ee ah 17 milyan euro oo u dhiganta 15 milyan oo gini, taasoo ka badan ciyaartoy kasta oo jooga haatan garoonka Bernabeu.

Pogba wage demands 'pricing him out of Man Utd exit'

Sidaas darteed, Kooxda Zidane ayaa la sheegayaa inay mudnaanta siinayaan inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lille, Eduardo Camavinga, inkastoo COVID-19 uu sidoo kale caqabad ku noqotay raadinta Real <Madrid ee 17-sano jirkaan.

Man United ayaa haysata ikhtiyaarka ah inay hal sano oo dheeri ah ku kordhiso qandaraaska Pogba, kaasoo haatan dhacaya xagaaga soo socda, laakiin Red Devils weli sidaas ma aysan sameynin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close