Mid ka mid ah xiddigaha Barcelona oo uu dhaawac ku soo gaaray tababarkii maanta… (Waa kuma?)

(Barcelona) 09 Maaajo 2020. Kooxda kubadd cagta Barcelona ayaa maalintii shalay oo Jimce ahayd billawday tababarka gaar-gaarka ah ee ciyaartoyda kaddib markii loo fasaxay tababarka natiijadii wanaagsan ee ka soo baxday caafimaadkooda kaddib.

Waxay maanta ahayd maalintii labaad ee tababarka kooxda reer Spain kaddib muddadii karaantiilka, waxaana Samuel Umtiti uu noqday laacibkii ugu horreeyay ee Barca kaga dhaawacma tababarka.

Barcelona ayaa shaacisay in difaaca Faransiiska ay dhibaato ka soo gaartay muruqa hoose ee lugta, soo kabsashadiisana lagu ogaan doono maalmaha soo aaddan.

Umtiti ayaa ka mid ah xiddigaha xagaagan la rajeynayo in laga fasaxo garoonka Camp Nou, maadaama dhaawacyo kala duwan ay soo food saareen labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close