Matić oo shaaca ka qaaday sababtii uu kaga soo dhaqaaqay Chelsea, isla markaana uu ugu biiray Man United

(Manchester) 08 Maajo 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Man United ee Nemanja Matić ayaa sheegay in heshiiskii uu ku yimid Red Devils, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay naddiga Chelsea sanadkii 2017, inuu ahaa mid munaasab ah.

Heshiiska uu ku joogo Nemanja Matić garoonka Old Trafford ayaa wuxuu dhacayaa sanadka 2021, wuxuuna rajeynayaa in si weyn uu kaga caawiyo saaxiibadiis qaabkii kooxda markale loogu soo celin lahaa wadada guulaha.

Wargeyska “Metro” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Nemanja Matić, waxaana uu yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanaa Chelsea, laakiin waxaan u maleynayay inay tahay waqtigii saxda ahaa ee lagu bedeli lahaa kooxda”.

“Waxaa jiray sababo ay adag tahay inaan sheego hadda, ma ilaawi doono waqtigeyga halkaas, laakiin waxaan haatan u ciyaarayaa Manchester United.”

Si kastaba ha noqotee, Nemanja Matić ayaa kula guuleystay koobka horyaalka Premier League saddex jeer, koobka FA Cup oo hal jeer ah, iyo Carabao Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close