Robert Lewandowski iyo Xaaskiisa oo Dunida ku soo dhoweeyey cunugoodii labaad

(Munich) 07 Maajo 2020. Sida la xaqiijiyey Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich ee Lewandowski iyo xaaskiisa ayaa helay oo dunida ku soo dhoweeyey gabadhoodii labaad oo u dhalatay.

Robert Lewandowski iyo Xaaskiisa Anna ayaa shaaciyey dhalashada gabadhooda labaad oo ay ku bixiyeen Laura.

Kabtanka xulka qaranka Poland ayaa baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka kaga dhawaaqay in gabadha reerkiisa ku soo biirtay ay u bixiyeen magaca Laura.

Laura ayaa noqonaysa gabadhii labaad ee ay isku dhalaan labadaan lammaane ee Robert Lewandowski iyo Xaaskiisa Anna, kuwaasoo horay u haystay gabadhoodii ugu horreysay ee saddex sano jir ka ah, taasoo lagu magacaabo Klara.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close