Manchester City oo dhiggeeda Manchester United kula tartamaysa saxiixa xiddig ka tirsan Kooxda Marseille

(Manchester) 06 Maajo 2020. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa da’yarka naadiga Marseille ee Boubacar Kamara, kaasoo ay horay u xiiseynaysay Manchester United.

20-sano jirkaan ayaa 24 kulan ku soo bilowday safka hore kulammada horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan, saameynta dhaqaale ee xanuunka coronavirus ayaana horseedi kara in Marseille ay diyaar u ahaato dhageysiga dalabyada u imaanaya ee ku aaddan saxiixa laacibkan.

Sida ay warinayso Jariiradda Le 10 Sport, Man City ayaa da’yarka reer France u aqoonsatay mid macquul ah oo wax ku soo kordhin kara safka kooxdooda.

Kamara waxa uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro daafaca dhexe iyo khadka dhexe ee burburinta, taasoo laga yaabo inay Sky Blue ka dhigto bedel la mid ah Fernandinho.

Man City 'to rival Man Utd for Kamara'

Si kastaba ha noqotee, Manchester United iyo Chelsea ayaa sidoo kale la sheegayaa inay isha ku hayaan xaaladda xiddigan ka hor suuqa kala iibsiga ee soo aaddan.

Kamara ayaa haatan qandaraaskiisa waxaa uga harsan kaliya labo sano, isagoo siinaya Marseille xoogaa lacag ah marka uu u yimaado dalab qaali ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close