Manchester City oo adeegsanaysa Nicolas Otamendi si ay gacanta ugu soo dhigto Lucas Martinez

(Manchester) 06 Maajo 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa Nicolas Otamendi u isticmaalaysa heshiiska ay doonayso inay kula soo wareegto daafaca River Plate ee Lucas Martinez.

Daafaca Manchester City ee Nicolas Otamendi ayaa lagu soo warramayaa inuu u furan yahay inuu mustaqbalka matalo Kooxda River Plate.

Inkastoo Otamendi u saftay 31 kulan tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, hore ayaa loo soo jeediyay in mustaqbalka daafacan dhexe uu mugdi ku jiro oo uu ka tagi doono garoonka Etihad.

Maalmihii la soo dhaafay, TNT waxay sheegtay in Man City ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo Lucas Martinez Quarta, kaasoo la sheegay inuu soo jiitay Tababare Pep Guardiola.

Manchester City keen on River Plate's Lucas Martinez Quarta with ...

Iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Otamendi loo soo bandhigi karo in heshiiska qeyb looga dhigo ayaa haddana waxaa la sheegayaa in 32-sano jirkaan uu taageere u yahay kooxda reer Argentine.

Daafaca dhexe ayaan matalin koox Waddankiisa ka dhisan tan iyo markii uu ka tagay Naadiga Velez Sarsfield oo ku biiray Porto sanadkii 2010-kii.

Otamendi ayaa weli gacanta ku haysta heshiis labo sanadood ah oo kaga harsan qandaraaskiisa garoonka Etihad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close