Ciyaaryahan geeriyooday 2016 oo isagoo nool lagu arkay dalka Jarmalka

(Germany) 05 Maaajo 2020. Hiannick Kamba ayaa loo diiwaan galiyay inuu geeriyooday 9-kii Jannaayo ee sanadkii 2016, kaddib shil gaari oo uu galay, balse xiddiggii ka tirsanaa kooxda dhallinyarada ee Schalke ayaa lagu soo warramayaa in isagoo nool, caafimaadna qaba la helay.

Waxaa la aaminsanaa in Kamba uu shil gaari ku geeriyooday isagoo ku sugan dalkiisa Congo horraantii 2016.

Balse majaladda “Bild” ee dalka Germany ayaa hadda warrineysa in Kamba uu ku sugan yahay degmada Ruhr ee ku taalla waqooyiga gobolka Rhine-Westphalia ee dhaca galbeedka Jarmalka.

Anette Milk oo ah dambi baare ayaa daba-gal ku haya xaaskii hore ee Kamba oo lacag badan ka heshay waaxda canshuuraha maadaama seygeedii loo tiriyay inuu geeriyooday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close