Liiska 10-ka xiddig ee qadka dhexe ugu qaalisan adduunka xilligan oo la shaaciyay… (Imise ciyaartoy ayaa ugu jirta Barcelona iyo Real Madrid?)

(Yurub) 03 Maajo 2020. Xiddiga reer Belguim iyo kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha qadka dhexe ee ugu qaalisan xilligan la joogo, marka loo eego qiimaha ay ka joogaan suuqa oo ay go’aamisay shabakada “Global Transfers” ee ku takhasustay arimahan.

Qiimaha Kevin De Bruyne ee suuqa ayaa gaaraya adduun dhan 120 million euros, wuxuuna aad ugu sareeyaa dhamaan xiddigaha kale ee liiskan ku jira, iyadoo ay xusid mudan tahay in qiimahiisa uu ahaa 150 million euros, kahor COVID-19, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay qiimaha dhammaan ciyaartoyda adduunka.

Haddaba dhankahoose kaga boggo liiska xiddigaha qadka dhexe ee ugu qaalisan xilligan la joogo kubadda cagta adduunka, waxayna kala yihiin:

Kevin De Bruyne – (Man City): 120 million

Kai Havertz – (Bayer Leverkusen): 81 million

Paul Pogba  – (Man United): 80 million

N’Golo Kanté – (Chelsea):  80 million

Saúl Ñíguez – (Atlético Madrid): 72 million

Frenkie de Jong – (Barcelona):  72 million

Christian Eriksen  – (Inter): 68 million

Joshua Kimmich – (Bayern Munich): 68 million

Casemiro – (Real Madrid): 64 million

Rodri – (Man City): 64 million.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close