De Bruyne oo ka nixiyay Manchester City, kaddib markii uu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda

(Manchester) 03 Maajo 2020. Xiddiga reer Belgium iyo kooxda kubadda cagta Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa qirtay inuu ka fiirsan doono mustaqbalkiisa Sky Blues, haddii uu sii saarnaado ganaaxa ay UEFA ku soo rogtay  ee ah inaysan ka qeyb gali doonin tartanka Champions League mudo labo xilli ciyaareed ah.

Kevin De Bruyne ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “HLN” ee dalka Belgium wuxuu ku sheegay:

“Kaliya waan sugayaa, kooxda ayaa inoo sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto ganaaxa, isla markaana 100% ay kalsooni ku qabaan inay saxan yihiin, marka waxaan sugi doonaa waxa dhici doona, waxaan ku kalsoonahay kooxdeyda”.

“Marka la gaaro go’aanka ugu dambeeya, dib ayaan u eegi doonaa wax walba, labo xilli ciyaareeed aad ayey u dheeraan doontaa, laakiin haddii ay dhacdo in laga dhigo ganaaxa hal xilli ciyaareed, waxaa suurtagal ah in go’aankeyga aan wax ka badelo”.

Intaas kaddib, De Bruyne ayaa wax laga weydiiyay haddii ay dhacdo inuu ka tago kooxda Manchester kooxda uu ku biiri lahaa Real Madrid ama Barcelona, wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan u ciyaaraa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, waxaana ka ciyaaraa England, waxaan doorbidaa tartan uu loolankiisu adag yahay aniga ahaan, waana jeclahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close