Wax ka ogoow liiska 10-ka goolhaaye ee ugu qaalisan adduunka qiimo ahaan dhanka suuqa

(Yurub) 30 Abril 2020. Kubadda Cagta ayaa marqaati ka ah xaalad horumarineed oo ay sameynayaan goolhayeyaasha adduunka inta lagu guda  jiro waqtigan la joogo, si qiimahooda suuqa uu u noqdo mid sarreeya oo ay kula tartamaan difaacyada iyo ciyaartooyda qadka dhexe ah.

Arrintan ayaa waxay ina tusineysaa in kooxaha oo dhan ay bilaabeen inay gartaan muhiimadda ay leedahay wax qabadka uu sameynayo goolhayaha, taasoo aana ka yareen wax qabadka xiddigaha ka ciyaara boos kasta oo kale, waxaana lagayaabaa inuu yahay midka ugu saameynta badan kulamo badan.

Haddaba marka laga hadlayo qiimaha goolhayaha, Jan Oblak ayaa hogaaminaya liiska 10-ka goolhaaye ee ugu qaalisan adduunka qiimo ahaan dhanka suuqa, waana arrin aan layaab laheyn marka loo eego bandhigiisa cajiibka ah uu ka sameeyay kooxda Atlético Madrid xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay iyo xilligan la joogo, xilli ay wali da’adiisu tahay 27 jir, wuxuuna awoodaa inuu sii ciyaaro 10 sano kale.

Haddba dhanka hoose kaga boggo liiska 10-ka goolhaaye ee ugu qaalisan adduunka qiimo ahaan dhanka suuqa, waxayna kala yihiin:

Jan Oblak: 80 million euros

André ter Stegen: 72 million euros

Alisson Becker: 72 million euros

Ederson: 56 million euros

Gianluigi Donnarumma: 49 million euros

Thibaut Courtois: 48 million euros

David de Gea: 40 million euros

André Onana: 36 million euros

Wojciech Szczęsny: 32 million euros

Kepa Arrizabalaga: 32 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close