Shax xoogan oo laga sameeyay xiddigaha uu qandaraaskoodu dhacayo xagaaga soo socda

(Yurub) 30 Abril 2020. Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu daabacay shax aad u xoogan ee ka kooban xiddigaha qandaraaskoodu dhacayo xagaaga soo socda, isla markaana ay kooxaha si bilaash ah kula soo saxiixan karaan suuqa kala iibsiga.

Waxaa jira magacyada ciyaartooy caan ah ee shaxdan ku soo baxay, laga yaabee in kooda ugu caansan uu yahay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani, kaasoo ku dhawaaday inuu ku biiro naadiga Atletico Madrid bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, laakiin maamulka PSG ayaa waxay codsadeen 30 million euros si ay u fasaxaan, laakiin saraakiisha Atletico ayaa waxay iska diideen in qiimo intaas gaarsiisan ay ka bixiyaan xiddig qandaraaskiisu uu dhacayo 6 bilood kaddib, isla markaana da’adiisu ay tahay 33 jir.

Waxaa sidoo kale shaxda ku jira xiddiga reer Brazil iyo kooxda Chelsea ee Willian, kaasoo isna yaboohyo badan ka helaya kooxo fara badan ee qaarada Yurub ka dhisan ay ugu horreyso Barcelona oo u muujisay rabitaan xoogan si ay u hesho adeegiisa sannadihii la soo dhaafay.

Uma muuqato in ciyaaryahan kasta ee ku soo baxay shaxdan uu cusbooneysiin doono qandaraaskiisa labada bilood ee soo socota, iyadoo dhamaantood codsiyadii ay u gudbiyeen kooxahooda aanu wax jawaab ah laga bixinin, kuwo badan ayaana bixi doono xagaagan.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo Shax xoogan oo laga sameeyay xiddigaha uu qandaraaskoodu dhacayo xagaaga soo socda, waxayna kala yihiin:

Goolhaaye: Walter Daniel Benítez – (Nice).

Daafacyada: Thomas Meunier (PSG), Jan Vertonghen (Tottenham), Malang Sarr (Nice), Kurzawa (PSG).

Khadka dhexe: Charles Aránguiz  (Bayer Leverkusen), Bonaventura (Milan), Adam Lallana (Liverpool), Willian (Chelsea).

Weerarka: Edinson Cavani (PSG), Dries Mertens (Napoli).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close