Rajada dib loogu ciyaari karo La Liga, xilliga baaritaannada ciyaartoyda iyo qorshaha dowladda Spain ee dhammeystirka xilli ciyaareedkan

(Spain) 30 Abril 2020. Kooxaha horyaalka dalka Spain ayaa awood u yeellan kara inay billaabaan tababarka rasmiga ah kaddib 48 saacadood marka xidigaha ay maraan baaritaanka xanuunka coronavirus.

Ciyaartoyda ka ciyaaraha horyaalka La Liga ayaa baaritaannada la xiriira cudurka COVID-19 mari doona inta u dhexeysa 5-ta iyo 7-da bisha May, taasoo horseed u noqoneysa in dowladda dalka Spain ay fasaxdo in xilli ciyaareedka la sii wadi doono.

Golaha ciyaaraha qaran ee dalka Spain (CSD) ayaa aaminsan inay jirto suuro galnimo ballaaran oo La Liga dib loogu ambaqaadi karo, balse marka hore ay tahay in la raaco awaamiirta wasaaradda caafimaadka dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, CSD ayaa laga sugayaa inay fasaxaan in maalinta Taaladada ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay in la billaabo baaritaannada xanuunka coronavirus, si toddobaadka xiga loogu soo laabto xerooyinka tababarka.

Inkastoo dalalka France iyo Netherlands ay baabi’iyeen guud ahaan horyaalladoodaa, misena UEFA ayaa dooneysa in xilli ciyaareedkan ay dhammeystiraan dalalka kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close