Manchester United oo u sheegtay Jadon Sancho lambarka uu xiran doono haddii uu kooxda ku soo biiro xagaagan

(Manchester) 30 Abril 2020. Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay u sheegtay garabka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho in la siin doono lambarka 7-aad haddii uu ku biiro kooxda xagaagan.

Sancho ayaa u soo muuqday mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay  kubada cagta adduunka kaddib olole kale oo cajiib ah oo uu la qaaday Dortmund, taasoo keentay inuu dhaliyo 30 gool 23 kulan oo uu saftay horyaalka Bundesliga.

Man United ayaa ugu cad-cad inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixa 20-sano jirkaan, inkastoo ay tartan kala kulmayaan Kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Barcelona oo dhankooda ka doonaya.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in Red Devils ay Sancho siisay fursad uu ku xiran karo lambarka 7-aad ee sumcadda leh, kaas oo ay horay u soo xirtay halyeeyada kooxda sida; George Best, Bryan Robson, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.

Alexis Sanchez ayaa haatan haysta maaliyada lambarka 7-aad ee garoonka Old Trafford, laakiin waxa uu amaah ugu maqan yahay Inter Milan mustaqbalkiisa kooxda kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ayaana u muuqda mid aan la hubin.

Curse of Man Utd's No7 shirt was too big for Sanchez, but can ...

Dortmund ayaa la rajeynayaa inay ugu yaraan 100 milyan oo gini ku dalbato xiddiga heerka caalami ee dalka England, iyadoo ay macquul tahay inuu  kaga tago haddii ay helaan dalab rikoor ah oo ay ka soo gudbiyaan kooxaha doonaya adeegga laacibkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close