“Neymar wuxuu haystaa waxa ay ku qaadanayso inuu noqdo kan ugu fiican Adduunka” – Unai Emery

(Yurub) 29 Abril 2020. Macalinkii hore kooxda Paris Saint-Germain ee reer Spain Unai Emery ayaa sheegay waxa uu heysto Neymar Jr waxa ay ku qaadaneyso inuu noqdo kan ugu fiican adduunka.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Unai Emery, wuxuuna yiri:

“Neymar Jr qalbi wanaagsan ayuu leeyahay, waxaadna arki kartaa arrintan marka aad la xiriirto isaga.”

“Neymar wuxuu haystaa waxa ay ku qaadanayso inuu noqdo kan ugu fiican Adduunka, sharaf ayey ii aheyd inaan la shaqeeyo isaga, waa ciyaaryahan cajiib ku ah tababarka iyo kulamada.”

Intaas kaddib macalinkii hore ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa wuxuu ka hadlay suurtogalnimada uu markale dib ugu laaban karo Spain, wuxuuna yiri:

“Waxaan soo dhaweynayaa inaan ku soo laabto tababarka Spain, Italy, France ama meelkasta oo kale, waxaan u maleynayaa inaan ku dhawahay horyaalka Spain.”

“Afar sano kaddib, haddii ay jirto fursad weyn oo aan ugu laabto Spain, waxaan xiiseynayaa inaan ku laabto, ujeedka koowaad ayaa ah inaan ku laabto xilli ciyaareedka soo socda, haddii aysan jirin wax u dhigma oo aan samayn karo, waan sugi doonaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close