Dani Ceballos: “Xiddigaha Arsenal waxay lahaayeen astaamaha Covid-19, laakiin lama baarin”

(London) 28 Abril 2020. Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain, Dani Ceballos ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda Arsenal ay la haayeen astaamaha calaamadaha caabuqa coronavirus kaddib markii cudurkan laga helay Macallin Mikel Arteta, laakiin aan laga baarin.

Arteta ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ku sugan Premier League ee laga helay cudurkan bishii Maarso, waxaana la hakiyey ciyaarista kubadda cagta tan iyo markaas.

Dhammaan kooxda koowaad ee Arsenal ayaa markii dambe la karantiilay labo toddobaad, laakiin Ceballos  oo lahadlayay Movistar ayaa haatan shaaca ka qaaday in ciyaartoy dhowr ah ay sidoo kale la heeyeen astaamaha caabuqan.

“Waxaan soo toosay subaxnimadii oo waxaan arkay Mikel Arteta oo baarintaan lagu sameeyey isla markaana laga helay,” ayuu yiri Ceballos.

“Kooxda waa la karantiilay, waxaa jiray ciyaartoy leh astaamaha caabuqan, laakiin dhammaanteen waan fiicannahay, iyaguna nama aysan baarin.”

“Waxaan ku dadaalaa sida ugu fiican ee aan karayo, way adag tahay in qoyska laga fogaado, halkan [England] waxaad ku socon kartaa dariiqa si sahlan oo aad u tagi kartaa Jimicsi maalintiiba.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close