Ciyaaraha Olombikada ee Tokyo oo la qorsheynayo in gabi ahaanba la kansalo haddii…  

(Tokyo) 28 Abril 2020. Sida warbixinnadu ay tilmaamayaan Ciyaraha Olombikada ee Tokyo ayaa la qorsheyanayaa in la kansalo haddii faafaha COVID-19 uu sii socdo ilaa sanadka soo aaddan.

Haddii dhibaatada coronavirus-ka adduunka aan la xakameyn sanadka dambe, Ciyaaraha Tokyo ee 2020 oo horey loo qorsheeyay bisha July ee 2021-ka waa la kansali doonaa, sida uu wareysi ku sheegay Madaxweynaha guddiga qaban-qaabada.

Isagoo la hadlayey Wargeyska maalinlaha reer Japan ee Nikkan Sports, Madaxweynaha qabanqaabada Yoshiro Mori wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada in 2020 Olombikada dib loo dhigo wixii ka dambeeya 2021-ka.

“Haddii Covid-19 uu wali khatar ku sii yahay adduunka sanadka soo socda, Ciyaaraha Olombikada ma dhici doonaan gabi ahaanba.” ayuu yiri Yoshiro Mori.

Media: Tokyo 2020 Olympics head says no plan to wear mask | Sports ...

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close