Macalin horey u soo maamulay Real Madrid oo kula taliyay Lautaro Martínez inuu iska indho tiro Barcelona

(Milano) 27 Abril 2020. Macalin hore ee kooxda Real Madrid ah ayaa kula taliyay weeraryahanka reer Argantina ee Lautaro Martínez, inuu sii joogo Inter Milan isla markaana uu iska indho tiro u dhaqaaqista naadiga Barcelona.

Fabio Capello ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska caanka ah “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:

“Waxaa muhiim ah in Lautaro Martínez uu sii joogo kooxda Inter Milan, sababtoo ah wuxuu badel ka noqon doonaa Barcelona”.

Capello: "Lukaku textbook. Lautaro Martinez? Unable to mark it ...

“Lautaro wuxuu u baahan yahay inuu kusii nagaado Inter Milan uu hoggaaminayo Antonio Conte, si uu u sii wato horumarkiisa”.

“Haddii aan ahaan lahaa Lautaro Martínez, waxaan sii joogi lahaa kooxda Inter Milan”

Si kastaba ha noqotee Lautaro Martínez ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Inter Milan xagaaga soo socda, waxaana la xiriirinayay Barcelona si uu ugu noqdo badelka Luis Suarez.

Yeelkeeda, Fabio Capello ayaa soo maamulay kooxda kubadda cagta ee Real Madrid labo xilli kala duwan, kuwaasoo kala ah xilli ciyaareedyadii 1996-1997 iyo 2006-2007.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close