Halyey Man United ah oo sabab u noqday in Henderson uu diido inuu maaliyada ka baddesho Lionel Messi

(Liverpool) 27 Abril 2020. Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa sheegay inuu diiday inuu maaliyada ka baddasho dhiggiisa kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaddib markii ay soo idlaatay ciyaartii lugta koowaad ee wareegga Semi-final-ka Champions League labada kooxood ku dhex martay Camp Nou xilli ciyaareedkii hore kuna soo idlaatay guul ay Barca 3-0 ku qaadatay, waxaana sheekadan diidmada funaanadda ah ku xusan magaca halyeyga Manchester United ee Roy Keane.

Kabtankii hore ee United ayaa macallin u ahaa Henderson xilligii ay ku wada sugnaayeen Sunderland isagoo baray duruuso ku saabsan kubadda cagta, waxaana Keane uu xillligaas ciyaartoydiisa baray inay funaanad ka beddelashada ciyaartoyda waaweyn la micno tahay inay ka heebeysanayaan xiddigahaas.

Sanad ka hor ayay markii ayay ahayd markii ugu horreysay ee ay Henderson iyo Messi garoon ku wada kulmaan, inkastoo kabtanka Reds uu qiray inuu shaashadda ka daawan jiray laacibka reer Argentina.

Ka hor inta uusan u soo dhaadhicin sheekada diidmada ah ee la xiriirta kala baddalashada funaanadda isaga iyo Messi, waxa uu marka hore ka sheekeeyay qaab ciyaareedka halyeyga nool ee Barca iyo sida uu kulankaas u carqaladeeyay xiddigihii Liverpool, isagoo la qiray inuu la cajabay kubaddii laadka xorta ahayd ee uu Messi daba mariyay Goolhaye Alisson Becker.

Balse Henderson ayaa qalbiga ku heysta darsigii uu ka soo qaatay Roy Keane oo ahaa inuusan funaanadda weydiisan xiddigaha ay ku dagaallamaan garoonka.

“Ma waxaan ka fikiray inaan funaanaddiisa weydiisto? Maya. Marnaba iguma aysan soo dhicin” ayuu yiri isagoo qiray inuusan funaanadda weydiisan Lionel Messi.

“Roy Keane wuxuu ii sheegay markii aan Sunderland haddii aad qof weydiisatid funaanaddiisa, waxa ay la micno tahay inaad ka heebeysaneyso”

Si kastaba ha ahaatee, laacibka khadka dhexe ee qaranka Ingiriiska ayaa ayaa habeenkaas la hoyday maaliyadda kooxda Barcelona, waxaana uu funaanadda ka beddeshay Luis Suarez oo ay ka wada tirsanaayeen Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close