Sida ay u muuqan karto shaxda kooxda Chelsea kaddib marka ay ka soo adeegato suuqa xagaaga

(London) 26 Abril 2020. Kooxda reer England ee Chelsea ayaa dooneysa inay si xoogan ugu soo laabato u dagaalamida dhamaan tartamada kala duwan laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.

Blues ayaa qorsheeneysa inay sameyso qandaraasyo cusub, si dib loogu soo nooleeyo safka kooxda uu hoggaamiyo tababare Frank Lampard, kaasoo ka sameeyay qaab ciyaareed fiican ilaa iyo haatan naadiga Blues.

Sida laga soo xigtay wargeysyada England, kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay Philippe Coutinho kala soo wareegto kooxda Barcelona, ​​iyo Ben Chilwell oo Leicester City ah.

Haddaba dadii Chelsea ay ku guuleysato saxiixa xiddiga ay bar-tilmaameedka ka dhiganeyso, waxay noqon doontaa shaxda tababare Frank Lampard, sida hoos ku xusan.

Goolhaaye: Kepa Arrizabalaga

Daafacyada: Reece James, Fikayo Tomori, Antonio Rüdiger, Ben Chilwell.

Khadka dhexe: Jorginho, N’Golo Kanté, Mason Mount.

Weerarka: Hakim Ziyech, Philippe Coutinho Tammy Abraham.

SADDEX Qaab Ee Frank Lampard Uu U Safi Doono Kooxdiisa Chelsea ...

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close