Kylian Mbappe oo muuqaal laga soo bandhigay isagoo baranaya luqadda Spanish-ka… (Real Madrid oo mideynaysa Mbappe & Haaland?)

(Munich) 26 Abril 2020. Real Madrid ayaa diyaarineysa qorshayaal hammi ah oo ay ku mideyneyso Kylian Mbappe iyo Erling Haaland oo ay garoonka Santiago Bernabeu ku keeneyso sanadka 2022-ka sida wararku ay sheegayaan.

Da’yarka caqliga badan ee Kylian Mbappe ayaa muuqaal laga soo bandhigay isagoo baranaya luqadda Spanish-ka, markaasoo uu 15-sano jir ahaa.

Labadaan laacib ayaa ah labo ka mid xiddigaha ugu hibada fiican kubadda cagta Adduunka, waxaana mar waliba la arkaa, iyagoo sameynaya waxyaabo ka fiican wixii ay horay u sameyn jireen.

Taa waxaa sii dheer in Mbappe uu leeyahay waayo-aragnimo ku saabsan in qaar ka mid ah erayada Isbaanish-ka uu ku hadli karo, kuwaasoo uu bartay markii uu iskuulka dhiganayey.

Markii uu joogay Monaco isagoo 15-sano jir ah ayaa dhowaan la shaaciyey muuqaal isagoo ku hadlay qaar ka mid ah erayada Isbaanish-ka, taasina waxa ay fududeyn kartaa in haddii uu ku biiro Real Madrid uu si fudud ula qabsan karo dalka Spain.

Hadda waxa ay u muuqataa inuu ku sii adeegsan karo Isbaanishkaas Magaalada Madrid, halkaasoo sidoo kale laga yaabo inuu ku biiro xiddiga reer Norway ee Haaland.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close