Waa goormee taariikhda rasmiga ah oo ay Real Madrid bilaabeyso tababarka?

(Madrid) 24 Abril 2020. Xerada tababarka kooxda Real Madrid ee Valdebebas ayaa diyaar garow u galeysa soo dhoweynta safka kooxda oo gor dhow tababarka billaabi doona.

Agabkii tababarka ee Los Blancos ayaa la xayiray 12-kii March, markaa oo ciyaaryahanka ka tirsan kooxda Kubadda Koleyga ee Trey Thompkins laga helay xanuunka coronavirus, tan iyo markaasna xiddigaha Real Madrid ma aysan sameyn wax tababar ah, iyagoo karaantiil ay ku jiray.

Qalabka tababarka iyo xiddigaha kooxda ayaa mari doona tijaabo lagu hibinayo inay ka caafimaad qabaan xanuunka coronavirus.

Haddii tijaabooyinkaas lagu hubsado xaaladda caafimaad ee xiddigaha iyo inaanu qalabka jeermis lahayn, waxaa tababarka Real Madrid lagu jadwaleeyay 4-ta bisha May.

Sidoo kale, ciyaartoyda kooxda dhallinyarada ama Real Madrid Castilla ayaa iyaguna mari doona marxaladaha kooxda waaweyn ay martay oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close