RASMI: Mid ka mid ah horyaallada waa weyn ee Yurub oo la kansalay

(Yurub) 24 Abril 2020. Iyadoo faafaha Coronavirus uu fara ba’an ku hayey caalamka waxaa hadda la kansalay mid ka mid ah horyaallada waa weyn ee Yurub.

Horyaalka wadanka Holland ee Eredivisie ayaa hadda la kansalay sababa la xiriira Coronavirus, iyadoo aysan jiri doonin koox horyaalka ku guuleysaneysa iyo koox u laabaneysa heerka labaad.

Dhawaan ayey aheyd markii dowlada Holland ay ku dhawaaqday in muddo afar bilood ah aan la dheeli doonin wax kubadda cagta ah, waxayna taasi keentay in gabi ahaanba la kansalo horyaalka Eredivisie

Labada kooxood Ajax iyo AZ Alkmaar ayaa dhibcaha ka mideysnaa iyagoo horyaalka Eredivisie ku haayey 56 dhibcood, laakiin midkoodna horyaalka kuma guuleysan doonto.

Kooxaha kaalimaha hoose ka hoggaaminaya horyaalka ayaan u laaban doonin heerka labaad, wuxuuna warkan u yahay mid farxad leh.

Horyaalka dalka Holland ee Eredivisie ayaa noqday horyaalkii ugu horreeyay ee weyn oo si rasmi ah loogu dhawaaqay in la kansalay.

Shanta horyaal ugu waa weyn qaarada Yurub ee Premier League, Serie A, La Liga, Ligue 1 iyo Bundesliga ayaa wali la sugayaa in la dhameystiro xilli ciyaareedkooda laakiin wali wax go’aan ah oo ka soo baxay ma jiraan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close