RASMI: Bayern Munich oo shaacisay in Coutinho uu mari doono qaliin iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doono

(Bayern) 24 Abril 2020. Philippe Coutinho ayaa la xaqiijiyay inuu maray qaliin dhanka canqowga midig ah, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo labo toddobaad ah.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in Philippe Coutinho uu maray qaliin lagu guuleystay ee looga sameeyay canqowga midig, iyadoo laga hagaajiyay kala bax.

Xiddiga reer Brazil ayaa garoomada ka maqnaan doono muddo lagu qiyaasay 14 maalmood ah, kahor inta uusan bilaabin tababarka dib u soo kabashadiisa.

Sida warar hore ee soo baxayay ay sheegayeen Barcelona ayaa u ogolaan doonta in Philippe Coutinho uu ku baxo lacag dhan 80 million euros xagaagan, iyadoo Bayern Munich ay qarka u saaran tahay in si rasmi ah ay ula saxiixato, kaddib amaah hal xilli ciyaareed ah uu ku joogay garoonka Allianz Arena.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay xiddiga reer Brazil inuu yahay bar-tilmaameedkeeda labaad, iyadoo bar-tilmaameedkeeda ugu sarreeya uu yahay Jadon Sancho, kaasoo la filayo xagaagan inuu u dhaqaaqo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close