Juventus iyo Barcelona oo ciyaartoy is dhaafsanaya

(Yurub) 24 Abril 2020. Kooxaha kubadda cagta ee Juventus iyo Barcelona ayaa ka doodaya is dhaafsiga ciyaartoyda khadka dhexe ka wada ciyaara ee Miralem Pjanic iyo Arthur Melo sida laga soo xiganayo RAC 1.

Dhibaatada dhaqaale ee uu sababay coronavirus ayaa suuqa kala iibsiga u sameeyay naqshad cusub oo ah in la is dhaafsado ciyaartoyda.

Pjanic oo sanadihii u dambeeyay lama taabtaan ka ahaa kooxda The Old Lady ayaa lagu soo warramayaa inay hadda suuqa geyneyso kooxdiisa, waxaana durba fiiro gaar ah u yeelatay kooxda Paris Saint-Germain.

Balse sida uu warinayo RAC-1, Juventus ayaa horraan wada hadallado la billawday kooxda Barcelona, waxaana ay isku dayayaan inay ka dhaadhiciyaan heshiis is dhaafsi ah oo ay ku doonayaan in laacibka reer Bosnia ay dhaafsadaan Arthur.

23-jirka reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Camp Nou, isagoo kula jira qandaraas dhacaya 2024.

Kooxda reer Spain ayaa sanooyin ka hor xiiso u muujineysay 30-jirka khadka dhexe kaga ciyaara Juve, inkastoo xilligaas ay Bianconeri ku faro-adeegtay inay iibiso, balse xiriirka aan wanaagsanayn ee Pjanic kala dhexeeya Maurizio Sarri oo lagu daray damaca Barca ee ku aaddan inay wali gacanta ku dhigaan adeeggiisa ayaa shidaal u noqoneysa wada xaajoodka labada koox.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close