“Kama qoomameynayo inaan u ciyaarin Real Madrid” – Pele

(Madrid) 21 Abril 2020. Halyeeyga kubadda cagta Brazil ee Pele ayaa sheegay in ku ciyaarista maaliyada kooxda Real Madrid ay tahay fursad cajiib ah oo uusan isku dayin.

Dhinaca kale Pele ayaa tilmaamay sida uu ula dhacsan yahay guulaha macalinka reer France Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay dooneysay inay la saxiixato Pele si ay kaga dhigato badelka Alfredo Di Stéfano, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa doorbiday inuu sii joogo Santos.

Halyeyga reer Brazil ee Pele ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxay ahaan laheyd wax wanaagsan inaan xirto maaliyada Real Madrid, laakiin kama qoomameynayo inaan sii joogo oo aan ku dhameysto xirfadeyda kooxda Santos”.

“Markii aan jiray da’ada 19, waxaan kulan saaxiibtinimo la ciyaaray kooxda Real Madrid Estadio Chamartín (oo horey u ahaa garoonka Los Blanos), waxayna kooxda reer Spain guul ku gaartay 5-3”.

“Waxaan wali xasuustaa garoonkii, taageerayaashii iyo magaaladii, ka hor imaatinka Real Madrid waxay ahayd mid qaas ah”.

Intaas kaddib Pele ayaa wuxuu si weyn u ammaanay guulaha macalinka reer France Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Ma fududa in lagu guuleysto dhamaan tartammadan, iyadoo uu cadaadis saarnaa, dabcan tani waa qeyb ka mid ah taariikhda Real Madrid, waxaana u maleynayaa inuu si qumman u sameeyay, wuxuu qolka dhar badelashada ku maamulayaa sida ugu fiican, ciyaartoyda nasiib ayey u leeyihiin inay heystaan”.

“Waxaan rajeynayaa in Zidane uu sii wado guulaha uu la gaaray Real Madrid, inkastoo tani aysan aheydn wax fudud”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close