Timo Werner oo ka farxiyay Kooxaha Chelsea iyo Liverpool, niyaddana ka dilay Barcelona iyo Bayern Munich

(Germany) 20 Abril 2020. Ciyaaryahanka bartilmaameedka u ahaa kooxaha badan ee ka dhisan qaaradda Yurub ee Timo Werner ayaa ku sii dhowanaaya ku biirista kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League.

Gooldhaliyaha kooxda RB Leipzig oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 27 gool, sidoo kalena caawiyay 12 kale ayaa lagu soo warramayaa inuu qaadanayo casharro ku saabsan luuqadda Ingiriiska.

24-sano jirkaan ayaa kula jira kooxda ka dhisan garoonka Red Bull Arena heshiis dhici doona 2023-ka, balse waxaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxaha ka dhisan Ingiriiska.

Chelsea ayaa wali diyaarineysa dalab muhiim ah oo ay dooneyso inay Stamford Bridge ku keento Werner sida laga soo xiganayo Kicker oo Jarmalka ka soo baxda, halka Liverpool ay xaaladda weeraryahankan la socotay sanadihii u dambeeyay.

Sheekada Werner la xiriirineysa ka ciyaarista Premier League ayaa shidaal cusub heshay kaddib markii Bleacher Report ay sheegtay in laacibkan uu baranayo luuqadda Ingiriiska.

Warkan ayaa dhabar jab ku ah kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona oo labaduba doonayay inay hantiyaan xiddiggan heshiiskiisa lagu jabin karo 51-ka milyan ee gini.

Barca ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo saxiixiisa, haddii ay ku hungoobaan soo xero galinta laacibka Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ugu cad cad ku guuleysiga loollanka loogu jiro laacibkan waxay tahay Liverpool, maadaama uu hoggaamiyo macallinka ay Jarmalka ka soo wada jeedaan laacibkan ee Jurgen Klopp, balse waxa ay dagaal adag kala kulmi doonaa Blues oo baadi goob xooggan ugu jirta weeraryahan gool dhaliye ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close