Barcelona waa kooxda seddexaad ee ugu fiican Champions League…. (Kaalintee ayey kaga jirtaa Real Madrid?)

(Yurub) 20 Abril 2020. Wargeyksa “Sport” ee dalka Spain ayaa tooshka ku ifiyay darajooyinka ay ku kala jiraan heerka kala sareynta kooxaha ee tartanka Champions League, sida ku cad codeyn rasmiga ah oo ay ansixiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee (UEFA).

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta seddexaad kala sareyntan, taasoo kuxiran natiijooyinka koox kasta oo ka ciyaarta horyaallada Yurub shantii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii ay gaartay wareega quarter-finalka 3 jeer, iyo semi-finalka oo hal jeer ah, halka aysan wali dhaafin wareega 16-ka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa heshay 124 kun oo dhibcood intii lagu guda jiray shantii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, halka xilli ciyaareedkan ay heysato 20 kun oo dhibcood ilaa iyo haatan, kaddib markii ay gaartay 4 guul iyo 3 barbaro ah, iyadoo aan wali wax guuldarro  ah la kulmin.

Real Madrid ayaa kaalinta koowaad ka gashay qiimeyntan rasmiga ah oo ay sameysay UEFA iyadoo leh 134 kun oo dhibcood, taasoo wax iska caadi ah, maadaama ay koobka Champions League ku guuleysteen saddex jeer xiriir ah, shantii sano ee lasoo dhaafay.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska kala sarreynta kooxaha Champions League, kaddib qiimeyn la sameeyay:

Real Madrid: 134 kun dhibcood

Atletico Madrid: 126 kun dhibcood

Barcelona: 124 kun oo dhibcood

Bayern Munich: 123 kun dhibcood

Juventus: 115 kun oo dhibcood

Manchester City: 112 kun oo dhibcood

Paris Saint-Germain: 105 kun oo dhibcood

Liverpool: 99 kun dhibcood

Manchester United: 92 kun oo dhibcood

Arsenal: 91 kun oo dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close