Wax ka ogow xilliga ciyaartoyda Premier League ay mari doonaan tijaabada Coronavirus iyo qaabka ay u mari doonaan

(England) 18 Abril 2020. Ciyaartoyda iyo Kooxaha Premier League ayaa bisha May ee soo aaddan bilaabi doona tababarka ay isugu diyaarinayaan dib u ciyaarista horyaalka.

Waxaa laga hor istaagi doonaa qolka labiska inay u gudbaan, iyadoo lagu sameyn doono baaritaan la xiriira coronavirus inta ay ku jiraan Gawaaridooda/Baabuurtooda, taasoo la micno ah in maalinta ugu horreysa ee ay tababarka soo xaadirayaanba baaritaanka lagu bilaabi doono xiddigaha inaysan qolka la biska u soo gudbin.

Sida ay warineyso Jariiradda The Sun, aragtidan ayaa lagu soo dhiraandhariyay kulan muuqaal ah oo ay Internet-ka ku qaateen ciyaartoyda Premier League toddobaadkan.

Sidoo kale waxay intaas ku dartay Majaladdu in kooxaha ka ciyaara horyaalka ay doonayaan in ciyaartoydooda ay waqti yar ku qaataan xerooyinka tababarka.

Kaddib marka la hubiyo xaaladdooda caafimaad ayay ciyaartoydu tababarka u sameyn doonaan koox koox sida warbixinnadu tilmaamayaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close