Kooxda Ajax oo shaaca ka qaaday qiimaha lagu heli karo Goolhaye Andre Onana… (Kooxdee iibsan doonta Chelsea, Barcelona mise PSG?)

(Amsterdam) 18 Abril 2020. Kooxda kubadda cagta Ajax ee dalka Holland ayaa qiime lacageed dul dhigtay madaxa goolhayeheeda Andre Onana.

Ajax waxa ay Goolhaye Andre Onana dul dhigtay adduun lacageed dhan 35 milyan oo gini oo lagu heli karo shabaq ilaaliyahan.

Jariiradda Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Ajax ay u baahnaan doonto adduun dhan 35 milyan oo gini oo u dhiganta 40 milyn oo euro ama 44 milyan oo dollar si ay u iibiso goolhaye Andre Onana.

Goolhayahan cajiibka ah ee Andre Onana ayaa waxaa baadi-goob ugu jiray kooxo waa weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub.

Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha la la xiriirinayey adeegga laacibkan, waxaana raacdada loogu jiro saxiixa Onana naadiga Blues ku wehliya Paris Saint-Germain iyo Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close