Karim Benzema oo aysan wax carqalad ah ku ahayn qorsha ay Real Madrid ku doonayso Haaland & Mbappe

(Madrid) 18 Abril 2020. Sida warbixinnada ciyaaraha ay tilmaamayaan Karim Benzema ayaysan wax carqalad ah ku haynin qorshaha ay kooxdiisa Real Madrid ku doonayso inay ku soo xero-geliso xiddigaha Haaland & Mbappe.

Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa haysta hal sano oo kaga harsan heshiiskiisa haatan kaasoo ku eg sanadka 2021-ka.

Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay in Karim Benzema sii joogitaankiisa Real Madrid aysan ka hor horjoogsanaynin kooxda inay u dhaqaaqdo labo ka mid ah kuwa ugu hibada fiican Adduunka.

Xiddigii hore ee reer France ayaa qarka u saaran inuu helo heshiis hal sano oo dheeri ah oo qandaraaskiisa ah, kaasoo ku sii hayn doona Real Madrid ilaa sanadka 2022-ka.

Laakiin Kooxda Merengue ayaa si kastaba raadin doonta Erling Haaland xagaagan, iyadoo Kylian Mbappe la doonayay sanadka 2021-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close