Haddii uu ka tago Lautaro Martinez waa kuma xiddiga ay saxiixiisa isku dayi doonto Inter Milan ee ka tirsan Man United?

(Milano) 18 Abril 2020. Haddii uu ka tago Lautaro Martinez kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay isku dayi doonto saxiixa xiddig ka tirsan Manchester United.

Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa isku dyaari doonta saxiixa Anthony Martial haddii uu ka tago Lautaro Martinez sida wararku ay sheegayaan.

Inter Milan ayaa qorsheynaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Manchester United ee Anthony Martial haddii Lautaro Martinez uu ka tago xagaagan garoonka San Siro, sida laga soo xigtay Majaladda Gazzetta Dello Sport.

 Inter Milan are reportedly plotting a swoop for Manchester United's Anthony Martial

Lautaro ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo dhanka Barcelona, Nerazzurri ayaana hadda eeganaysa inay suuqa ka soo qaadato bedelkiisa haddiiba ay ku guuldarreysato inay celiso.

Martial ayaa fikta sare kaga jira liiska bartilmaameedyadooda macquulka ah, laakiin laacibka Kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa sidoo kale la tixgelinayaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close