Goormee ayay Kooxaha English Premier League bilaabi doonaan tababarka, xilligee ayaase dib loo ciyaari karaa?

(England) 18 Abril 2020. Dunida oo dhan ayaa la dhibaatooneysa xanuunka coronavirus, waxaana si loola dagaallamo darteed u joogsaday dhaqdhaqaayo kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah, kubadda cagtuna qayb ayay ka tahay.

Guud ahaan kubadda cagta rasmiga ah ee Ingiriiska ayaa hakad ku jirtay, waxaana hadda la rajeynayaa in dib loo bilaabo 8-da bisha June.

Kulan ay shalay isugu imaadeen maamulka Premier League ayaa lagu baahiyay in horyaalka la dhammeystiri doono xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Majaladda Mirror Football ayaa daaha ka rogtay in bisha June horraanteeda dib loo ciyaari doono horyaalka Ingiriiska.

Kooxaha horyaalka ka ciyaara ayaa lagu wargaliyay inay tababarka bilaabaan 18-ka bisha May, inkastoo go’aanka dowladduna uu saameyn ku yeelan karo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close