David Beckham oo si cajiib ah kaga hadlay isbar-bardhiga xiddigaha Messi iyo Ronaldo

(Yurub) 18 Abril 2020. Halyeeyga reer England iyo kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ee David Beckham ayaa sheegay in xiddiga Barcelona ee Lionel Messi uu yahay kan ugu fiican adduunka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in xitaa Cristiano Ronaldo uusan gaarin heerkiisa.

Messi iyo Ronaldo ayaa soo maamulay abaal-marinada kubadda cagta ee adduunka mudada 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna si wada jir ah ugu guuleysteen Ballon d’Or 11 jeer.

Haddaba David Beckham oo ka hadlayey isbar-bardhiga xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa wuxuu yiri:

“Messi kaligiis ayaa ku jira qaab ciyaareedkiisa ciyaaryahan ahaan, ma jiro qof isaga la mid ah.”

“Messi iyo Ronaldo, waa labada kaliya aysan gaarin qaab ciyaareed ka fiican kuwa kale”.

“Ronaldo iyo Messi waxaay leeyihiin waxyaabo badan oo ay iskaga midyihiin qaab ahaan iyo xirfad ahaanba, waa wax u fiican kubadda cagta in labadan ciyaaryahan ay ciyaaraan isku waqti”.

“Lionel Messi si fudud waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.” Ayuu hadalkiisa ku soo xiray David Beckham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close