Kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah oo si toos ah ula xaajootay Timo Werner

(England) 16 Abril 2020. Ciyaaryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa xiiso badan ka helaya kooxaha ugu awoodda badan qaaradda Yurub, si gaar ah kooxaha Ingiriiska ayaa si gaar ah ugu dagaallamaya saxiixiisa.

Naadiga Chelsea ayaa markii ugu horreysay si toos ah ula xiriirtay weeraryahanka xulka qaranka Jarmalka.

Horraan ayaa Liverpool si aad ah loola xiriiriyay Werner, waxaana wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ay sheegayaan in Jurgen Klopp uu doonayo la kulanka weeraryahan.

Balse sida laga soo xiganayo majaladda Kicker, kooxda Premier League hoggaamineysa ayaa loollan adag kala kulmeysa Blues oo si toos ah tallaabo ugu qaadday lasoo saxiixashadiisa.

Macallinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa qiray inay doonayeen suuqii January inay lasoo saxiixdaan weeraryahan gool dhaliye ah, balse isku daygii ay kusoo qaadan lahaayeen laacibka PSG ee Edinson Cavani ayaa suuro gali waayay.

Si kastaba ha ahaatee, gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Blues ahna tababaraha xilligan ee kooxda ayaa la rajeynayaa inuu isku dayi doono inuu la soo saxiixdo weeraryahan tayo leh, waxaana Chelsea durba ay billawday xod-xodashada Werner.

24-jirkan ayaa heshiiskiisa lagu jabin karaa 60 milyan oo euro (52 milyan oo gini), waxaana xusid mudan in xagaagii hore uu ku sigtay ku biirista Bayern Munich.

Kooxda horyaalka Bundesliga difaacaneysa ayaa kula saxiixan kartay Werner 25 milyan oo euro, balse waxay ka door bideen inay Philippe Coutinho amaah kaga soo qaataan kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close