Koox Holland ka dhisan oo De Jong awgiis faraqa ugu dheggan Kooxda Barcelona… (Maxaa jira?)

(Holland) 16 Abril 2020. Naadiga Barcelona ayaa bishii January ee sanadkii 2019 ku guuleysatay saxiixa Frenkie De Jong oo ay ku garaacday Paris Saint-Germain, waxaana ay faraqa ugu shubtay Ajax qiimo dhan 86 Milyan oo euro, balse xagaagii ayuu si toos ah ugu soo dhaqaaqay garoonka Camp Nou.

Kooxda Willem II oo horraan Ajax kaga iibisay De Jong ayaa qayb ku leh saxiix walba oo uu ciyaaryahankan koox kale ugu biirayo, taasoo la micno ah heshiiskii uu laacibkan kaga soo dhaqaaqay Ajax inay qiimo leedahay.

Agaasimaha kooxda reer Holland ee Martin van Geel ayaa hoosta ka xarriiqay in wali ay Barca ka sugayaan lacag dhan 8.5 milyan oo euro, maadaama kooxda reer Spain lacagtaas aysan siinin kooxda Willem II.

Van Geel ayaa sidoo kale rajeynaya in FIFA ay la kaashan doonaan in kooxda reer Spain ay bixiso lacagta ku xusan heshiiskii ay De Jong kaga soo qaateen Ajax ee ahayd in Willem II ay siiyaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close